Yaab: Trent Alexander Arnold & Mohamed Salah Oo Kulan Isaga Hor Iman Kara, Sabab.

featured-image

The post Yaab: Trent Alexander Arnold & Mohamed Salah Oo Kulan Isaga Hor Iman Kara, Sabab. appeared first on Kooxda.com.

Mohamed Salah ayaa go’aansaday inuu isaga tago Liverpool dhamaadka xili ciyaareed kaan, iyadoo warbixin ka soo baxday Spain ay shaaca ka qaaday inuu ciyaari karo kulanka FIFA Club World Cup ee 2025-ka waxana uu wajahihi karaa xiddiga ay haatan isku kooxda yihiin ee Trent Alexander Arnold kaas oo ku wajahan Real Madrid.Alexander-Arnold ayaa tan iyo todobaadkii hore si aad ah u hadal heynta badnaa warbaahinta caanka ah iyo wariyayaal la ixtiraamo sida Sky Sports iyo Fabrizio Romano oo daaha ka qaaday in daafaca midig ee Liverpool uu heshiis la gaaray Madrid.Kooxda difaacanaysa horyaalka Spain iyo Yurub ayaa si xor ah ku heli doonta adeega difaaca xulka qaranka England xagaagan.

Waxaa jiray warar sheegaya in qorshaha Madrid uu yahay in Liverpool ay ku bixiso lacagta ay kula soo wareegayaan Alexander-Arnold waqtiga 2025 FIFA Club World Cup, kaasoo bilaabanaya bisha June.Sida Alexander-Arnold, Salah ayaa sidoo kale qandaraaska uu kula joogo Liverpool dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.Warar la yaab leh oo ka soo baxday Fichajes ayaa daaha ka qaaday in Salah uusan sii joogi doonin kooxda Liverpool.



Al Hilal ayaa la sheegay in ay ka go’an tahay in ay sameeyaan dadaal aan horay loo arag si ay u sugaan imaatinka xiddiga reer Masar’, iyadoo Salah laf ahaantiisa uu sheegay in uu “muujiyay xiisaha uu u qabo.Qorshaha kooxda Saudi Pro League ayaa ah inay la soo wareegaan 32-jirka heerka caalami ee dalka Masar waqtiga loogu talagalay Koobka Kooxaha Adduunka.Tani waxay ka dhigan tahay in Al-Hilal ay ku qasbantahay in ay bixiso lacag si ay Liverpool ugu qanciso in ay xiddiga u ogolaato in uu boxo bisha June.

Al Hilal ayaa 18-ka June la ciyaari doona Madrid, taas oo la macno ah in xiddigaha haatan Liverpool ee Salah iyo Alexander-Arnold ay isaga hor iman karaan koobka kooxaha adduunka. The post Yaab: Trent Alexander Arnold & Mohamed Salah Oo Kulan Isaga Hor Iman Kara, Sabab. appeared first on Kooxda.

com..