XASAASI: Xilli Ciyaareedka Erling Haaland Oo Soo Dhamaaday, Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay.

featured-image

The post XASAASI: Xilli Ciyaareedka Erling Haaland Oo Soo Dhamaaday, Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay. appeared first on Kooxda.com.

Erling Haaland ayaa laga yaabaa inuu seego inta ka dhiman xilli ciyaareedka Premier League haddii dhaawaca xiddiga Manchester City uu u xun yahay sidii markii hore laga cabsi qabay.Ka dib markii uu khasaariyay rigoore qeybtii hore ee ciyaarta, Haaland ayaa barbareeyay City ciyaar ka tirsaneyd wareega 8da FA Cup oo ay la ciyaareen Bournemouth galabnimadii Axada.Daqiiqado ka dib goolka, weeraryahanka ayaa u baahday daawayn waxana uu ku qasbanaaday in ciyaarta laga saaro kadib markii uu sii wadan kari waayay.

Man City ayaa soo saartay warbixin ku saabsan xaalada xiddiga waxana laga cabsi qabay in uu dhaawaciisu yahay mid halis ah.Haatan waxa soo baxaya warar sheegaya in uu xiddiga reer Norway seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib dhaawaca soo gaadhay.The post XASAASI: Xilli Ciyaareedka Erling Haaland Oo Soo Dhamaaday, Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay.



appeared first on Kooxda.com..