Arsenal ayaa Emirates Stadium ku soo dhawayn doonta Manchester City kulan si wayn loo wada sugayo oo ka tirsan horyaalka Premier league. Gunners ayaa ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, waxaana ay kulankaan soo galayaan guul 2-1 ah oo ay ka gaareen kooxda Girona bartamihii todobaadka ee Champions League, iyagoo sii goostay booskooda wareega 16ka ee tartanka. Waxay 1-0 ku garaacday Wolverhampton Wanderers ciyaar muran badan dhalisay oo ka dhacday Molineux isbuucii hore si ay u xoojiyaan booskooda horyaalka.
Dhinaca kale, Sky Blues ayaa ku riyaaqday soo nooleynta qaab ciyaareedka horyaalka, iyagoo badiyay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay. Waxa ay 3-1 ku garaaceen Chelsea ka hor inta aysan ka badin kooxda madax adag ee Club Brugge una gudbin is reeb-reebka wareega 16-ka champions League. Martin Odegaard vs Mateo Kovacic: Martin Odegaard ayaa u muuqday mid aad uga fog qaab ciyaareedkiisii wacnaa tan iyo markii uu ka soo laabtay dhaawaca kooxda Arsenal,Kabtanka Gunners ayaa kooxda ka dhaqaajiya Khadka dhexe laakiin iyadoo Bukayo Saka iyo Ben White ay ka maqan yihiin dhanka midig ee garoonka, wuxuu ku dhibtooday inuu saameyn ku yeesho ciyaaraha sida caadiga ah.
Kovacic ayaa loo xilsaaray inuu buuxiyo booska Rodri. Xiddiga reer Croatia ayaa ku dhibaatooday in uu buuxiyo laakiin Guardiola waxa ku qasbay in aanu haysan dookhyo badan oo Khadka dhexe ah, Haddii uu Odegaard ka joojin kari in uu soo bandhigo aab ciyaareed fiican fursadaha Man City ku heli karto natiijo ayaa ah mid aad u yar. Erling Haaland vs Gabriel Magalhaes: Kulankii ugu dambeeyay ee kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa ku dhamaaday barbaro 2-2 ah oo muran badan dhaliyay oo ka dhacay Etihad Stadium waxaana xigay muuqaal qurux badan oo labada kooxood dhex maray kadib markii uu John Stones u dhaliyay daqiiqadii 8-aad ee waqtiga dheeriga ah si uu dhibic ugu helo kooxda martida loo ahaa.
Erling Haaland ayaa udub dhexaad u ahaa masraxyada cajiibka ah ka dib markii uu u dabaaldegay goolkii barbaraha ee Stones ee waqtigii dhimashada isagoo kubad ka tuuray dhabarka madaxa Gabriel Magalhaes, Axadda, dagaalka Haaland iyo Gabriel ayaa laga yaabaa inuu ka qarxo garoonka yada oo labada xiddig si xoogan u tartami doonaan. Gabriel Martinelli vs Josko Gvardiol: Gabriel Martinelli ayaa muujiyay calaamado uu ku soo laabanayo qaab ciyaareedkiisii hore ee fiicnaa, Laacibka reer Brazil ayaa ka shaqaynayey dhanka midig kadib dhaawaca, haddii qaab ciyaareedkiisii dhawaa ay wax u socdaan, waxa uu sababi karaa dhibaato difaac oo Man City ah. Haddii Martinelli uu ku soo bilowdo garabka midig mar kale, waxa uu la dagaalami doonaa Josko Gvardiol.
Daafaca bidix ee City wuxuu jecel yahay inuu horay u socdo oo uu ka qayb qaato weerarka, Intaa waxaa dheer in xiddiga reer Croatia uu sidoo kale dhalin karo goolal halisna ku yahay daafaca isaga oo haatanba dhaliyay 5 gool..
Sports