WARBIXIN: 3 Meel Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Real Madrid Iyo Barcelona.

featured-image

Kooxaha Barcelona Iyo Real Madrid ayaa isaga hor iman doona kulan adag oo ka tirsan Final-ka Copa del Rey-ga xilli ciyaareedka. Real Madrid ayaa u baahan in ay ku guulaysato koobkan hadii ay doonayaan in ay badbaadiyaan xilli ciyaareedkooda. Los Blancos ayaa wareega 8 dhamaadka kaga hadhay champions League halka sidoo kale haatan looga horeey horyaalka La Liga.

Dhinaca kale Barcelona ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan iyaga oo aaday Semi-final-ka champions League halka ay hogaaminayaan horyaalka La Liga. Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa meelaha ay ku kala badin karaan labada kooxood. Fran Garcia vs.



Lamine Yamal: Yamal ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu wacdaro ka dhigayaa xilli ciyaareedkan iyada oo xiddiga reer Spain laf dhabar u yahay kooxda Barcelona. Yamal waxa ka hor iman doona daafaca Fran Garcia kaas oo buuxinaya booska Ferland Mendy Iyo David Alaba oo dhaawac ku maqan waxana uu baahanyahay in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican daafaca si uu u joojiyo Yamal. Vinicius Jr vs Jules Kounde: Kounde ayaa dhawr mar shaqo fiican ka qabtay marka uu ka hor yimaado Vinicius Jr waxana laga sugayaa mar kale in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican hadii uu doonayo in uu joojiyo xiddiga reer Brazil.

Kylian Mbappe vs. Inigo Martinez: Xiddiga Inigo Martinez ayaa fure u ah kooxda Barcelona Iyo daafaceeda waxana uu Flick ka caawiyay in uu dhiso daafac adag. Xiddiga reer Spain ayaa ka hor iman doona xiddiga Kylian Mbappe kaas oo aan si fiican u ciyaarin kulamadii ugu dambeeyay.

.