Turkiga oo soo sagootiyay markabkii Soomaaliya ka samayn lahaa sahminta shidaalka

Sabti, October, 5, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Abdirizak Omar Mohamed, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, iyo Guddoomiyaha Hay'adda Batroolka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo loogu sameeyay markabka Oruç Reis, kaas oo u safray Soomaaliya.

featured-image

Sabti, October, 5, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Abdirizak Omar Mohamed, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, iyo Guddoomiyaha Hay'adda Batroolka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo loogu sameeyay markabka Oruç Reis, kaas oo u safray Soomaaliya. Markabka sahminta (Seismic) ee Oruç Reis, oo kasoo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, ayaa la filayaa inuu mari doono jidadka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas. Markabkan ayaa kusoo xiran doona meel u dhow biyaha Soomaaliya dhammaadka bishan Oktoobar.

Safarkiisu wuxuu qaadan doonaa qiyaastii 19 maalmood. Markabkan ayaa baaritaanka sahamin (3D seismic) ka fulin doona saddex aag oo gaar ah, kuwaas oo ka kooban 15,000 km2. Hawlgalkan sahminta badda ayaa socon doona qiyaastii toddoba bilood, waxaana markabka uu ururin doonaa xog muhiim ah oo ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee ku jira biyaha Soomaaliya.



Xogta la ururiyo ayaa loo diri doonaa Ankara, halkaas oo lagu falanqeyn doono si loo hageyo hawlaha qodista ee mustaqbalka. Oruç Reis, oo dhererkiisu yahay 87 mitir iyo ballaciisu yahay 23 mitir, ayaa loo aqoonsaday inuu yahay hanti muhiim ah oo ka mid ah dadaallada sahminta badda ee Turkiga..