Xiddiga Liverpool Trent Alexander-Arnold ayaa looga digay in diciifnimadiisa dhinaca daafaca ay keeni Karto in uu ku dhibaatoodo Real Madrid waxana uu Halyeeyga premier League u sheegay Slot xiddigaha ay tahay in uu u dhaqaaqdo badalka Trent Alexander Arnold.Kabtan ku xigeenka Reds ayaa haatan 90 maalmood oo kaliya ay ka harsan tahay qandaraaska uu ku joogo Anfield taas oo la macno ah in uu si xor ah uga Tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.Inkastoo aan wali waxbo laga xaqiijin labada kooxood ama ciyaaryahanka laftiisa, ka tagista Liverpool ayaa u muuqata mid sii kordheysa xagaagan.
“Kaliya maaha kuwa ay Liverpool la soo saxiixaneyso si ay u bedelaan Alexander-Arnold, waxay wajahayaan rajada laga qabo inay lumiyaan garabkooda midig,” Petit ayaa si gaar ah u sheegay TEAMtalk.“Iyadoo ay Mo Salah iyo Trent Alexander-Arnold labadooduba ay suurtogal tahay inay baxaan, waa inay dib u dhisaan kooxda”.“Hal magac oo lala xiriirinayo waa Jeremie Frimpong oo ka mid ah Bayer Leverkusen waa xiddig aad u fiican sidoo kale waxa ay ku badali karaan Conor Bradley, kaasoo u muuqda rajo sare.
”Iyadoo ay taasi jirto, Petit waxa uu dareensan yahay in Alexander-Arnold uu laba jeer ka fikiro ka hor inta aanu aqbalin inuu ku biiro Real Madrid waxana uu uga digay in uu ku dhibaatoon doono daafaca midig Lana kulmi doono cadaadis weyn.“Ku biirista Real Madrid waa wax xiiso Galiyay xiddig kasta”ayuu yidhi.“Waxa aan dhihi lahaa, oo aan horay u sheegay, mararka qaarkood waxaad u baahan tahay inaad ka taxadirto waxa aad ka rabto kubada cagta, haddii Trent uu u difaaco sidii uu ku sameeyay England isaga oo u ciyaaraya Real Madrid waxaan qabaa in taageerayaashu ay ku dili doonaan halkaas”.
The post Trent Alexander Arnold Oo Looga Digay In Uu Ku Biiro Real Madrid. appeared first on Kooxda.com.
.
Sports
Trent Alexander Arnold Oo Looga Digay In Uu Ku Biiro Real Madrid.

The post Trent Alexander Arnold Oo Looga Digay In Uu Ku Biiro Real Madrid. appeared first on Kooxda.com.