Abaalmarinta Kabta Dahabka ah ee Yurub ayaa meel xiiso leh maraya xilli ciyaareedkan iyada xiddigo badan ku tartamayaan gool dhalinta.Harry Kane ayaa difaacanaya kabta dahabka ah ee yurub waxana ku tartamaya xiddigo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah.Erling Haaland iyo Kylian Mbappe ayaa ka mid ah weeraryahanada ugu caansan qaarada ee la filayo inay loolan adag la galaan Kane iyagoo sidoo kale doonaya inay ku guuleystaan kabaha dahabka ah ee Yurub.
Kane ayaa ku guuleystay koobkiisii ugu horeeyay ee kabta dahabka ah ee Yurub xilli ciyaareedkii hore, isagoo u dhaliyay 36 gool xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Bayern Munich, inkastoo uusan wax koob ah ku guulaysan.Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah oo wacdaro dhigaya premier League ayaa xilli ciyaareedkan hogaaminaya tartanka gooldhalinta kabta dahabka ee yurub.Salah ayaa dhaliyay 27 gool waxana uu leeyahay 54 dhibcood waxana ku xiga xiddiga kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski kaas oo dhaliyay 25 gool Iyo 50 dhibcood.
Waxa ku xiga xiddigaha Harry Kane oo u ciyaara Bayern munich Iyo xiddiga Atalanta ee Mateo Retegui kuwaas oo leh min 23 gool.Halkan kaga bogo gool dhalinta kabta dahabka ah ee yurub:PlayerGoolashaDhibcahaMohamed Salah (Liverpool)2754Robert Lewandowski (Barcelona)2550Harry Kane (Bayern Munich)2346Mateo Retegui (Atalanta)2346Kylian Mbappe (Real Madrid)2244Erling Haaland (Man City)2142Ousmane Dembele (PSG)2142.