Tartanka Gooldhalinta Oo Meel Xiiso Leh Maraya & Salah Oo Hogaanka U Haya.

featured-image

Erling Haaland waxa uu soo galay xilli ciyaareedkii 2024/25 isaga oo rajaynaya in uu ku biiro gooldhaliyaasha ugu fiican Premier League.Weeraryahanka Manchester City Haaland ayaa raadinaya guushii seddexaad oo xiriir ah tartanka kabaha dahabka ee Premier League xilli ciyaareedkan.Taas ayaa ah mid ay hore u gaadheen Alan Shearer iyo Thierry Henry, kuwaas oo ah laba ka mid ah weeraryahanadii ugu fiicnaa ee abid ka soo ciyaara horyaalka England.

Haaland waxa uu isha ku hayaa inuu mar kale noqdo gooldhaliyaha ugu sareeya Premier League ka dib markii uu ku guuleystey kabta dahabka ah xilli ciyaareedkii 2023/24, markaasoo khadka dhexe ee Chelsea Cole Palmer uu si lama filaan ah ugu soo baxay xiddigii la tartamayay.Xiddiga Man City Haaland ayaa 27 gool dhaliyay xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa uu ku fashilmay in uu tartamo.Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa haatan hogaaminaya tartanka gooldhalinta isaga oo dhaliyay 27 gool isla markaas 6 gool ka horeeya xiddiga Erling Haaland Kaas oo dhaliyay 21 gool.



Waxa ku xiga xiddiga Alexander Iska kaas oo dhaliyay 20 gool halka uu ku xigo xiddiga Nottingham Forest ee Chris Wood kaas oo dhaliyay 18 gool.Halkan kaga bogo tartanka gooldhalinta Premier League:PlayerTeamGoalsMohamed SalahLiverpool27Erling HaalandMan City21Alexander IsakNewcastle20Chris WoodNottingham Forest18Bryan MbeumoBrentford16Yoane WissaBrentford15.