Tababaraha Talyaaniga Oo Inter Ku Eedeeyay Fashilkii Xulka Qaranka Ee Euro 2024.

featured-image

Tababaraha Italy Luciano Spalletti ayaa u muuqday in uu Inter Milan ku eedeeyay ka hadhistii xulka Italy ee tartanka Euro 2024 isaga oo sheegay in ku guulaysigii Inter ee horyaalka ay saamayn ku yeelatay qaar ka mid ah xiddigaha xulka. Xulka Italy ayaa wareega 16-ka kaga hadhay tartanka Euro 2024 kadib guuldaro ay kala kulmeen xulka Switzerland. Laakiin, si la yaab leh tababaraha ayaa kooxda ku guulaystay horyaalka Talyaaniga Inter si la yaab leh u dhaleeceeyay.

5 Xiddig oo ka tirsanaa Xulka Italy ayaa ka qayb ahaa kooxdii Inter ee ku guulaystay horyaalka talyaaniga waxana ay kala yihiin Federico Dimarco, Matteo Darmian, Alessandro Bastoni, Davide Frattesi & Nicolo Barella. “Dhammaan waxa ay ku bilowdeen sida [Serie A] ku dhamaaday,” Spalletti ayaa yiri. “Inter waxa ay ku guulaystay horyaalka iyada oo 5 kulan dhiman yahay, waxana ay tbabarka u qaadanayeen si gaar ah” “Marka aad horyaalka wakhti hore ku guulaysato tababar uma qaadanaysid sidii hore”ayuu sii raaciyay tababaruhu.



.