Ruben Amorim Oo Ka Jawaabay Xiisaha Real Madrid Ee Bruno Fernandes.

featured-image

The post Ruben Amorim Oo Ka Jawaabay Xiisaha Real Madrid Ee Bruno Fernandes. appeared first on Kooxda.com.

Ruben Amorim ayaa xidhay suurtagalnimada in Bruno Fernandes uu ka tago Manchester United kuna biiro Real Madrid xagaagan.Xilli ciyaareed kale oo xun oo Old Trafford ah, Fernandes ayaa weli soo bandhigaya qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 7 gool 3 kalena caawiye ka noqday 7-dii kulan ee ugu dambaysay.United ayaa wali doonaysa in ay koob ku dhamaysato xilli ciyaareedkan iyada oo gaadhay 8 dhamaadka Europa League iyada oo xiddiga reer Portugal dhaliyay saddexley kulankii Real Sociedad.

Waxa soo baxay warar sheegaya in Real Madrid ay doonayso Fernandes isla markaas doonayaan in ay kooxdooda ku daraan xiddiga iyada oo diyaarinaysa ab 90 milyan ah.Fernandes ayaa xagaagii hore qalinka ku duugay heshiis cusub oo waqti dheer ah oo uu ku joogayo magaalada Manchester, isaga oo u kordhiyey sii joogistiisa ilaa 2027.Isagoo ka hadlayay ka hor safarka United ee Nottingham Forest, Amorim wuxuu si adag u diiday inuu xagaaga ka tago kabtankiisa.



“Ma dhacayso,” Amorim ayaa yidhi isaga oo ka jawaabaya wararka xanta ah.Markii la weydiiyay sababta uu ugu kalsoon yahay Fernandes inuu sii joogi doono kooxda sannadihii ugu dambeeyay ee xirfadiisa ciyaareed, tababaraha United wuxuu yiri: ‘Taasi waa caqabada. Waxaan doonayaa Bruno in uu halkan joogo”.

The post Ruben Amorim Oo Ka Jawaabay Xiisaha Real Madrid Ee Bruno Fernandes. appeared first on Kooxda.com.

.