Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa u magacaabay Thibaut Courtois kooxda Real Madrid ee champions League lugta 1-aad ee Quarter-final-ka champions League ka dhici doona Emirates.Courtois ayaa saddexdii kulan ee ugu dambeeyay Real Madrid ku seegay dhaawac ka soo gaadhay waajibaadka xulkiisa Belgium bishii hore, laakiin Ancelotti ayaa sheegay kadib kulankii sabtida ee La Liga ee Valencia in uu filayo in uu Goolhayuhu diyaar u noqdo kulanka Arsenal.32-sano jirkaan ayaa dhab ahaantii lagu soo daray kooxda, laakiin Andriy Lunin ayaa kulanka ku seegaya dhaawac kubka ah oo soo gaadhay.
Dani Carvajal iyo Eder Militao ayaa weli maqan muddo dheer sababtoo ah dhaawacyo halis ah oo jilibka ah, labada xiddig ayaana ka maqnaan doona kulanka halka Ferland Mendy, Dani Ceballos iyo Aurelien Tchouameni ay sidoo kale seegi doonaan kulanka.Tchouameni ayaan diyaar u ahayn xulashada madama uu ganaax ku maqan yahay halka Mendy iyo Ceballos ay weli dhaawac yihiin.Halkan kaga bogo Liiska xiddigaha Ancelotti u soo xushay kulanka:Courtois, Gonzalez, Mestre; Alaba, Vazquez, Vallejo, F Garcia, Rudiger, Asencio, Jacobo, Lorenzo; Belllingham, Camavinga, Valverde, Modric, Guler, Chema; Vinicius, Mbappe, Rodrygo, Endrick, Brahim, Gonzalo The post RASMI: 5 Xiddig Oo Real Madrid Ka Maqnaan Doona Kulanka Arsenal.
appeared first on Kooxda.com..
Sports
RASMI: 5 Xiddig Oo Real Madrid Ka Maqnaan Doona Kulanka Arsenal.

The post RASMI: 5 Xiddig Oo Real Madrid Ka Maqnaan Doona Kulanka Arsenal. appeared first on Kooxda.com.