Paul Scholes Oo Magacaabay Saxiixii Abid Ugu Xumaa Ee Man United Samayso.

featured-image

Halyeeyga Man United ee Paul Scholes ayaa u magacaabay Mark Bosnich mid ka mid ah saxiixyadii ugu xumaa ee ay sameyso Manchester United. Bosnich waxa ay United si xor ah ugala soo wareegtay Aston Villa bishii June 1999 isaga oo bedelay Peter Schmeichel. Si kastaba ha ahaatee, xiddiga reer Austraila ayaa kaliya u ciyaaray kooxda 19 bilood kadib imaatinka Fabian Barthez isaga oo qaab xor ah ugu biiray chelsea bishii January 2001 Scholes, oo ku guuleystay 11 horyaal oo Premier League ah intii uu ku sugnaa United, ayaa ku andacoonaya in Bosnich uu ahaa ‘mid aan xirfad lahayn’ muddadii koobnayd ee uu ku sugnaa Old Trafford, wuxuuna sheegay in goolhayihii hore ‘uusan kubad laadi karin’.

Markii la soo jeediyay in Juan Sebastian Veron uu yahay saxiixii ugu xumaa abid ee United, Scholes ayaa ku yiri The Overlap: ‘Veron wuxuu ahaa ciyaaryahan weyn, ciyaaryahan tayo leh. Run ahaantii ma garanayo sababta ay ugu shaqayn wayday isaga laakiin waxa uu ahaa ciyaaryahan”. “Waxaan ku laabanayaa goolhayayaasha, markii aad isku dayday inaad bedesho Peter Schmeichel, taasoo had iyo jeer noqon doonta mid adag”.



“Waxa aan la soo wareegnay Mark Bosnich, waxa uu ahaa Goolhaye fiican markii uu joogay Aston Villa laakiin markii uu ahaa mid aan xirfadle ahayn”. “Xaqiiqo hadii aan ka hadlo xitaa kubad muu laadi karayn”..