Manchester United ayaa bayaan rasmi ah ku shaacisay bixitaanka macalinka reer Holland ee Ruud van Nistelrooy, kadib imaatinka reer Portugal ee Ruben Amorim si uu u qabto shaqada tababaranimo ee kooxda koowaad. Van Nistelrooy ayaa afar kulan hogaamiyay Man United kadib markii ay Man United shaqada ka caydhisay Erik Ten Hag. United ayaa bayaankeeda ku tiri, “Kooxdu waxay xaqiijineysaa in Van Nistelrooy uu ka tagay kooxda ka dib markii uu ku soo laabtay xagaagii oo uu kooxda ku hogaamiyay 4-tii kulan ee ugu dambeysay isagoo ah macalin ku meel gaar ah Ruud waa halyeey Manchester United ah, wuuna ahaan doonaa.
” Bayaanka ayaa intaa ku daray: “Waxaan si qoto dheer uga mahadcelineynaa shaqada Nistelrooy uu bixiyay iyo sida uu ula dhaqmay intii uu joogay Old Trafford.” Kooxda Ingariiska ayaa xustay ka tagista Rene Hack, Gilly Ten Rouelaard, iyo Peter Morell ee shaqaalaha tababarka, iyagoo u rajeeyay guul mustaqbalka..
Sports