Manchester United ayaa loo sheegay Gary Neville inuu yahay ninka badbaadinaya hadii loo magacaabo tababarohooda cusub ee kooxda. Ruben Amorim waa tababarihii lixaad ee joogtada ah ee Old Trafford tan iyo markii Sir Alex Ferguson uu ka tagay 2013, mana awoodin inuu isbedel degdeg ah ku sameeyo kooxda. Guuldaradii ka soo gaartay Brighton kulankeedii ugu dambeeyay ee Premier League ayaa Man United ka dhigtay kaalinta 13-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League, iyadoo laga badiyay 10 ka mid ah 22 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan.
Amorim ayaa kooxdan ku tilmaamay tii ugu xumayd taariikhda United, waana go’aan uu ku raacay Des Lynam oo hore marti u ahaa Match of the Day. Lynam ayaa u sheegay United in ay magacaabaan Neville si uu u badalo Amorim isaga oo Halyeeyga ku tilmaamay midka badbaadin kara kooxda Man United. Lynam ayaa soo qortay: “Dhawr sano ka hor waxaan soo jeediyay in ninka kaliya ee dib ugu celin kara United sharaftoodii hore uu yahay kabtankooda Gary Neville”.
.
Sports