Man City Oo Dajisay Qorshe Ay Ku Helayso Rodrygo

featured-image

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso heshiis is dhaafsi ah oo ay ku doonayaan labo ciyaaryahan inay ku bedelaan garabka Real Madrid Rodrygo. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa la aamisanyahay in uu wajahayo mustaqbal aan la hubin kadib markii uu Mbappe yimid kooxda Real Madrid. Inkasta uu heshiis cusub u saxiixay kooxda kaas oo dhici Doona ilaa sanadkan 2028 hadana xiddiga ayaa isaga Tagi Doona hadii uu boos ka waayo kooxda Ancelotti.

Liverpool ayaa la rumeysan yahay inay si dhaw ula socoto xaalada xiddiga, laakiin sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain Man City ayaa dejisay qorshe cajiib ah oo ay ugu garaacayso Liverpool saxiixa xiddiga. Wararka ayaa sheegaya in Man city diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddigaha Kevin De Bruyne iyo julian Alvarez oo dhexdooda lagu qiimeeyo 118 milyan si ay u dhamaysatiraan saxiixa Rodrygo..