Ma Ahan Salah, Torres, Carragher Oo Magacaabay Gooldhaliyaha Ugu Fiican Liverpool.

featured-image

Daaficii hore ee Liverpool, Jamie Carragher, ayaa aaminsan in uu jiro ciyaaryahan ka tirsan kooxda koowaad Liverpool kaas oo ka fiican gooldhaliyahooda ugu sarreeya, Mohamed Salah kaas oo wacdaro dhigaya 7-dii sano ee la soo dhaafay. Mohamed Salah ayaa dhawaanahan taariikh aad u wayn u sameeyay kooxda Liverpool isaga oo kula guulaystay koobab badan marka laga soo tago in uu jabiyay rekoodh badan oo shaqsi ah. Laakiin inkasta oo Mohamed Salah uu haysto rekoodhka gooldhalinta sare, Jamie Carragher ayaan u aqoonsanayn gooldhaliyaha ugu fiican taariikhda Liverpool tan iyo bilawgii horyaalka Ingiriiska ee 1992kii.

Carragher ayaa hadal uu siiyay Sky Sports ku yidhi: “Waxaan la ciyaaray weeraryahano badan oo caan ah sida Michael Owen, Luis Suarez, Fernando Torres iyo Robbie Fowler, laakiin waxaan filayaa in Diogo Jota uu yahay gool dhaliyaha ugu fiican”. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Robbie Fowler waxa laga yaabaa in uu isaga wax yar kaga horeeyo dhamaystirka weerarrada, laakiin Jota labadii gool ee uu ka dhaliyay Bournemouth waxa ay ahaayeen kuwo cajiib ah”. Wuxuu intaas ku daray: “Heerka gool dhalintiisa ama caawintiisa xilli ciyaareedkan waa 84-daqiiqo kasta, labo ama seddex ciyaaryahan ayaa horyaalka ka jira oo ka sarreeya tiradaas.



” Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Laakiin waxa uu Jota samaynayo ayaa xaqiijinaya in Liverpool ay ku saxnayd saxiixiisa sanado ka hor”. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Fikir ahaantayda, Jota waa kan ugu fiican marka laga hadlayo dhamaystirka fursadaha waxana uu ka fiican yahay Suarez, Torres iyo Mohamed Salah, xiddiga kaliya ee la tartami kara waa Robbie Fowler”..