“Lama Yaabi Doono Hadii Real 150 Milayn Ku Dalbato Xiddigan”.

featured-image

Graeme Souness ‘lama yaabi doono’ hadii Real Madrid ay dalab cajiib ah oo 150 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga kooxda chelsea ee Cole Palmer. Palmer ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu sii watay qaab ciyaareedkiisii ​​wacnaa ee xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay lix gool, shanna caawiye ka ahaa todobadii kulan ee uu ciyaaray. 22-sano jirkaan ayaa ku lug lahaa goolal ka badan ciyaaryahan kasta oo Premier League ah xilli ciyaareedkii hore, qaab ciyaareedkiisa ayaana u horseeday inuu ku guuleysto abaalmarinta ciyaaryahanka da’da yar ee xilli ciyaareedka.

Xiddiga ayaa dhawaan qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono Stamford Bridge. Souness ayaa rumaysan in uu xiddigu bartilmaameed u noqon doono kooxda Real Madrid xagaaga dambe. “Ma hubo in ay Man City ku saxnayd in ay iska iibiso xiddiga”ayuu Souness yidhi.



“Chelsea waxa ay ka soo bixisay 40 milyan oo euro laakiin Real Madrid ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixiisa”. “Lama yaabi doono hadii ay Real Madrid miiska u saarto xiddiga 150 milyan oo euro”..