Guardiola Oo Ka Fal Celiyay Bar-Barihii Ay Kooxdiisu La Gashay Inter Milan.

featured-image

Pep Guardiola ayaa ‘aad ugu farxay’ bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Inter Milan kulan ka tirsanaa Champions League. Dad badan ayaa saadaalinayay in ay Man City garaacdo Inter Milan laakiin Inter ayaa iska caabisay hogaamiyayaasha horyaalka premier League. “Si fiican ayaan u ciyaarnay.

Waan jeclahay kooxdayda, waxaan nahay koox cajiib ah. Inter waa koox si fiican u difaacda”ayuu Guardiola yidhi. “Waa kooxda ugu fiican dhinaca difaacashada iyo waliba weerarka rogaal celiska ah”ayuu sii raaciyay.



Man City ayaa hal dhibic ka heshay tartanka kulankoodii ugu horeeyay waxana ay haatan isku diyaarinayaan kulanka xiga..