Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay howlgalo culus oo laga fuliyay gobolka Galgaduud

Sabti, October, 5, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka, kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo saaxiibada Caalamka ayaa howlgalo culus iyo duqeymo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka sameeyay gobolka Galgaduud.

featured-image

Sabti, October, 5, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka, kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo saaxiibada Caalamka ayaa howlgalo culus iyo duqeymo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka sameeyay gobolka Galgaduud. Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalada oo ahaa cir iyo dhul in lagu dilay ku dhawaad 50 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Shabaab. Howlgalada ayaa ciidamada iskaashanaya waxay si gaar ah uga fuliyeen dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada kala ah Bida Ciise iyo Geriile oo ka tirsan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo la tilmaamay iney isku aruursanayeen kooxda.

Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka lagu sheegay in howlgalada lagu burburiyay gaari ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-shabaab oo noociisa lagu sheegay Leyla Calaawi, iyo sidoo kale fariisimahii kooxdu ku lahayeen deegaanadaasi dhaca Bariga gobolka Galgaduud. Howlgalkaan ayaa imaanaya, iyadoo saacado ka hor howlgalo ciidanka xoogga dalka ka sameeyeen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose lagu dilay ilaa 24 xubnood oo ka tirsana Ururka Al-shabaab. Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-.